Thursday, January 26, 2017

KACAANKII DADKIISA GUMAADAY.

Xasuuqii 17 July 1989-kii xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho ee lagu gumaadey dad shicib ah oo Gobolada Waqoyi Kasojeday.
Maalintii ay taariikhdu ahayd 17 July 1989 kii, ayaa waxa maammulkii keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre uu ku kacay xasuuqii ba'naa ee xeebta Jasiira, taas oo lagu gumaaday dad dhalasho ahaan ka soo jeeday Jamhuuriyadda Gobolada Waqoyi.
Maalintaas oo ahayd 17/7/1989-kii iyada oo ay ciidamadii koofiyad casta ahaa ee taliskii Mohamed Siyaad Barre ay ku xasuuqeen dad shacab ah magaalada Muqdisho degenaa, kuwaas oo laga soo guray guryahoodii iyagoo hurda. Waxaanay dadka halkaas lagu xasuuqay isugu jireen macallimiin, dhakhaatiir, arday baayacmushtar iyo dad kale oo shacab ah.
Dadkaasi oo iyagoon waxba galabsan danbina lagu soo oogin dhegta dhiigga loo daray. Rabshaddii ugu waynayd ee muqdisho ka dhacda dhamaadkii sideetamaadkii ee ay iskaga horyimaadaan dawladii xilligaas talada haysay iyo shacabku, waxay bilaabantay jimcihii 15 july 1989-kii markii ay dadwaynaha magaalada muqdisho iyo dawladdu si toosa isaga horyimaadeen. Waxaana iska horimaadkaasi ka dhacay masaajidka sheikh Cali Suufi ee xaafadda Hodan. Kadib markii salaadii la tukaday baa dadwaynihii dhagax tuur ku sameeyeen askar badnayd iyo tikniko ku hareeraysan ayd masaajidka, ciidamaasina waxay ugu jawaabeen si naxariis darro ah waxaana halkaas ku dhintay sarkaal ciidamada booliiska ka tirsanaa. Waxaana taasi sababtay in magaalada muqdisho lagu soo rogo bandoo ka bilaabanta gabal dhaca ilaa
Ciidamadii duubcasta ayaa bilaaby axadii ay soo galaysay 17 July 1989 kii inay guluf iyo weerar ku qaadaan xaafada ka tirsanaa magaalada Muqdisho madiina iyo Hodan oo ay deganaayeen dad reer Gobolada Waqoyi ahi. Ujeedada hawlgalku wuxuu ahaa fal aargoosi ah. Waxaana maslax Mohamed Siyaada amar ku siiyey Gen. canjeex inay layaan dadkaan masaakiinta ah ee aan waxba galafsan. Waxaana lasoo ururshay 47 qof oo ka tirsan gidddigood qabiilka Isaaqa. Waxaana dadkaasi la geeyey xeebta jasiira, markaasaa inta shan shan laysugu xidh xidhay baa qoriga boobaha ah ee Baroonka loo yaqaan lagu furay. Waxaana halkaas ku nafwaayey 46 miskiin oo aan waxba galabsan laguna dilay oo qudha qabiilka ay yihiin oo markaas dawladdu kuwada xukuntay dil. Waxaase mucjiso noqotay 47 kii qof mid kamida makrii ilaahy ka badbaadiyey xasuuqa foosha xun nin dhalinyaro ah oo la yidhaado Muuse Cumar Mire Cawil oo daaha ka feyday gumaadkaas waxshinimada leh iyo siduu u dhacayba.
Warkan oo argagax ku noqday muqdisho gaarahaan safaaradii ajanabiga, waxaa dawladii markaas talinaysay isku dayday inay beeniyaan, laakiin waxaa meel kastaba ka caddeeyey Muuse Cumar oo sheegay siday wax u dhaceen. Waxaanu u ahaa gumaadka qudha ee saxaafadda caalamiga ahi ay ogaadeen, intii kale ee ay ku dhimatay laguna xasuuqay inkabadan 100,000 qof ma jirto cid sidaa wax ugu qortay. Waxaana dadkaasi layska laayay iyadoon loo aabo yeelin waxaana ay hadda hurdaan iilka qubuuraha xasuuqa ee degmooyinka iyo tuulooyinka Gobolada Waqoyi.
Kheyr badan.

No comments:

Post a Comment