
Culimada waxay dhacday maalin Sabti aheyd oo ay bisha Muxarramna aheyd 6 sanadkii 1395-kii taariikhda Hijriyada, taas oo ku beegnayd 18-kii bishii January sanadkii 1975-tii, waxaana culimada laga soo qabqabtay masaajidyada magaalada Muqdishu.
Dilkii Culimadii Soomaaliyeed ee uu laayey kacaankii 21-ka Oktoober ka dib markii ay ka horyimaadeen go’aan uu gaaray Madaxweynihii Soomaaliya Gen. Maxamed Siyaad Barre oo sheegay in ragga iyo haweenka ay isku mid yihiin, isla markaasna sheegay in haddii ragga la yiraahdo Jaalle aan dumarka la oran karin jaaley, isku xuquuqna ay yihiin
“Maxkamadda Badbaadada Qaranku waxay ku xukuntay lix ka mid ah culimada ka hor timid xeerarkii ay xukuumadda Kacaanka ahi soo saartay dil toogasho ah, waxaa kale oo ay maxkamaddu ku xukuntay seddex ka mid culimada 30-sano oo xariga ah, laba kalena waxay ku xukuntay 20-sano oo xarig ah” ayaa lagu yiri go’aan ka soo baxay Maxkamaddii badbaada qaranka Soomaaliyeed ee dowladdii Kacaanka.
Maalinnimo Axad aheyd oo ay bisha Muxarram-na aheyd 7-da sanadkii 1395-tii, kuna beegnayd 19-kii January sanadkii 1975-tii waxay maxkamaddii milaterigu soo saartay go’aan kale oo u dhignaa sidan:- “Maxkamaddu waxay ku xukuntay 4 ka mid ah culimada dil toogasho ah, markii ay ka hor yimaadeen xeerarka cusub, iyagoo isku qarinaya huga Diinta Islaamka, 3 kalena waxay ku xukuntay 30-sano oo xarig ah, 15 kalena min 20-sano oo xarig ah”.
Subaxi Khamiis ah oo ay bisha Muxarram aheyd 11 sanadkii 1395-tii, kuna beegnayd taariikhda miilaadiyadda 23-kii January 1975-tii ayaa Idaacadda Raadiyow Muqdishu laga sii daayey war argagax iyo caro ku beeray shacabkii Soomaaliyeed, inkastoo aysan wax fal ah oo ay kaga hortagayaan arrintaasi aysan waagaasi qaadin, haddana qof kasta meel uu joogayba hoos u fooraarsi ayuu bilaabay, warkii Radio Muqdishu sii daayey oo aad u koobnaana waxa uu u qornaa sida tan:- “Sida ay sheegayso wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa saaka dil toogasho ah lagu fuliyey 10-kii qof ee ay maxkamadda badbaadada qaranku ku xukuntay dilka , waxaana lagu toogtay oo dilkaasi lagu fuliyey garoon u dhow dugsiga booliska ee ku yaala xeebta badda, waxayna magacyada culimadii la toogtay kala yihiin sida tan
1 - Sheekh Axmed Sh. Maxamed
2 - Sheekh Muuse Yuusuf
3 - Sheekh Axmed Iimaan
4 - Cali Xasan Warsame
5 - Xasan Ciise Iley
6 - Maxamed Siyaad Xirsi
7 - Cali Jaamac Xirsi
8 - Aadan Cali Xirsi
9 - Saleebaan Jaamac Maxamed
10- Yaasiin Cilmi Cawil
sidoo kale warku wuxuu sheegay in maxkamadda badbaada qaranku ay ku eedaysay dadkaasi la toogtay inay si wadajir ah uga horyimaadeen xeerkii ay sida wadajirka ah iskugu raaceen kana soo baxay golaha sare ee kacaanka iyo golaha wasiirada 11-kii January sanadkii 1975-tii, kaas oo ku saabsanaa sinnaanta ragga iyo dumarka, waxayna maxkamaddu u cuskatay xeerka lambarkiisu yahay 12-qodobkiisa 54-aad ee soo baxay 10-kii bishii 9-aad sanadkii 1970-kii.