Friday, January 27, 2017

Dilkii Culimadii Soomaaliyeed ee 1975

Maxkamaddii milateriga aheyd ee u sameysneyd tirtiridda sharafta iyo milgaha ummaddu laheyd ee ku aroorayay Diinta Islaamka ah ee ay 100% dadka Soomaalida ahi aaminsan yihiin, maxkamadeyntii
Culimada waxay dhacday maalin Sabti aheyd oo ay bisha Muxarramna aheyd 6 sanadkii 1395-kii taariikhda Hijriyada, taas oo ku beegnayd 18-kii bishii January sanadkii 1975-tii, waxaana culimada laga soo qabqabtay masaajidyada magaalada Muqdishu.
Dilkii Culimadii Soomaaliyeed ee uu laayey kacaankii 21-ka Oktoober ka dib markii ay ka horyimaadeen go’aan uu gaaray Madaxweynihii Soomaaliya Gen. Maxamed Siyaad Barre oo sheegay in ragga iyo haweenka ay isku mid yihiin, isla markaasna sheegay in haddii ragga la yiraahdo Jaalle aan dumarka la oran karin jaaley, isku xuquuqna ay yihiin
“Maxkamadda Badbaadada Qaranku waxay ku xukuntay lix ka mid ah culimada ka hor timid xeerarkii ay xukuumadda Kacaanka ahi soo saartay dil toogasho ah, waxaa kale oo ay maxkamaddu ku xukuntay seddex ka mid culimada 30-sano oo xariga ah, laba kalena waxay ku xukuntay 20-sano oo xarig ah” ayaa lagu yiri go’aan ka soo baxay Maxkamaddii badbaada qaranka Soomaaliyeed ee dowladdii Kacaanka.
Maalinnimo Axad aheyd oo ay bisha Muxarram-na aheyd 7-da sanadkii 1395-tii, kuna beegnayd 19-kii January sanadkii 1975-tii waxay maxkamaddii milaterigu soo saartay go’aan kale oo u dhignaa sidan:- “Maxkamaddu waxay ku xukuntay 4 ka mid ah culimada dil toogasho ah, markii ay ka hor yimaadeen xeerarka cusub, iyagoo isku qarinaya huga Diinta Islaamka, 3 kalena waxay ku xukuntay 30-sano oo xarig ah, 15 kalena min 20-sano oo xarig ah”.
Subaxi Khamiis ah oo ay bisha Muxarram aheyd 11 sanadkii 1395-tii, kuna beegnayd taariikhda miilaadiyadda 23-kii January 1975-tii ayaa Idaacadda Raadiyow Muqdishu laga sii daayey war argagax iyo caro ku beeray shacabkii Soomaaliyeed, inkastoo aysan wax fal ah oo ay kaga hortagayaan arrintaasi aysan waagaasi qaadin, haddana qof kasta meel uu joogayba hoos u fooraarsi ayuu bilaabay, warkii Radio Muqdishu sii daayey oo aad u koobnaana waxa uu u qornaa sida tan:- “Sida ay sheegayso wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa saaka dil toogasho ah lagu fuliyey 10-kii qof ee ay maxkamadda badbaadada qaranku ku xukuntay dilka , waxaana lagu toogtay oo dilkaasi lagu fuliyey garoon u dhow dugsiga booliska ee ku yaala xeebta badda, waxayna magacyada culimadii la toogtay kala yihiin sida tan
1 - Sheekh Axmed Sh. Maxamed
2 - Sheekh Muuse Yuusuf
3 - Sheekh Axmed Iimaan
4 - Cali Xasan Warsame
5 - Xasan Ciise Iley
6 - Maxamed Siyaad Xirsi
7 - Cali Jaamac Xirsi
8 - Aadan Cali Xirsi
9 - Saleebaan Jaamac Maxamed
10- Yaasiin Cilmi Cawil
sidoo kale warku wuxuu sheegay in maxkamadda badbaada qaranku ay ku eedaysay dadkaasi la toogtay inay si wadajir ah uga horyimaadeen xeerkii ay sida wadajirka ah iskugu raaceen kana soo baxay golaha sare ee kacaanka iyo golaha wasiirada 11-kii January sanadkii 1975-tii, kaas oo ku saabsanaa sinnaanta ragga iyo dumarka, waxayna maxkamaddu u cuskatay xeerka lambarkiisu yahay 12-qodobkiisa 54-aad ee soo baxay 10-kii bishii 9-aad sanadkii 1970-kii.

Thursday, January 26, 2017

KACAANKII DADKIISA GUMAADAY.

Xasuuqii 17 July 1989-kii xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho ee lagu gumaadey dad shicib ah oo Gobolada Waqoyi Kasojeday.
Maalintii ay taariikhdu ahayd 17 July 1989 kii, ayaa waxa maammulkii keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre uu ku kacay xasuuqii ba'naa ee xeebta Jasiira, taas oo lagu gumaaday dad dhalasho ahaan ka soo jeeday Jamhuuriyadda Gobolada Waqoyi.
Maalintaas oo ahayd 17/7/1989-kii iyada oo ay ciidamadii koofiyad casta ahaa ee taliskii Mohamed Siyaad Barre ay ku xasuuqeen dad shacab ah magaalada Muqdisho degenaa, kuwaas oo laga soo guray guryahoodii iyagoo hurda. Waxaanay dadka halkaas lagu xasuuqay isugu jireen macallimiin, dhakhaatiir, arday baayacmushtar iyo dad kale oo shacab ah.
Dadkaasi oo iyagoon waxba galabsan danbina lagu soo oogin dhegta dhiigga loo daray. Rabshaddii ugu waynayd ee muqdisho ka dhacda dhamaadkii sideetamaadkii ee ay iskaga horyimaadaan dawladii xilligaas talada haysay iyo shacabku, waxay bilaabantay jimcihii 15 july 1989-kii markii ay dadwaynaha magaalada muqdisho iyo dawladdu si toosa isaga horyimaadeen. Waxaana iska horimaadkaasi ka dhacay masaajidka sheikh Cali Suufi ee xaafadda Hodan. Kadib markii salaadii la tukaday baa dadwaynihii dhagax tuur ku sameeyeen askar badnayd iyo tikniko ku hareeraysan ayd masaajidka, ciidamaasina waxay ugu jawaabeen si naxariis darro ah waxaana halkaas ku dhintay sarkaal ciidamada booliiska ka tirsanaa. Waxaana taasi sababtay in magaalada muqdisho lagu soo rogo bandoo ka bilaabanta gabal dhaca ilaa
Ciidamadii duubcasta ayaa bilaaby axadii ay soo galaysay 17 July 1989 kii inay guluf iyo weerar ku qaadaan xaafada ka tirsanaa magaalada Muqdisho madiina iyo Hodan oo ay deganaayeen dad reer Gobolada Waqoyi ahi. Ujeedada hawlgalku wuxuu ahaa fal aargoosi ah. Waxaana maslax Mohamed Siyaada amar ku siiyey Gen. canjeex inay layaan dadkaan masaakiinta ah ee aan waxba galafsan. Waxaana lasoo ururshay 47 qof oo ka tirsan gidddigood qabiilka Isaaqa. Waxaana dadkaasi la geeyey xeebta jasiira, markaasaa inta shan shan laysugu xidh xidhay baa qoriga boobaha ah ee Baroonka loo yaqaan lagu furay. Waxaana halkaas ku nafwaayey 46 miskiin oo aan waxba galabsan laguna dilay oo qudha qabiilka ay yihiin oo markaas dawladdu kuwada xukuntay dil. Waxaase mucjiso noqotay 47 kii qof mid kamida makrii ilaahy ka badbaadiyey xasuuqa foosha xun nin dhalinyaro ah oo la yidhaado Muuse Cumar Mire Cawil oo daaha ka feyday gumaadkaas waxshinimada leh iyo siduu u dhacayba.
Warkan oo argagax ku noqday muqdisho gaarahaan safaaradii ajanabiga, waxaa dawladii markaas talinaysay isku dayday inay beeniyaan, laakiin waxaa meel kastaba ka caddeeyey Muuse Cumar oo sheegay siday wax u dhaceen. Waxaanu u ahaa gumaadka qudha ee saxaafadda caalamiga ahi ay ogaadeen, intii kale ee ay ku dhimatay laguna xasuuqay inkabadan 100,000 qof ma jirto cid sidaa wax ugu qortay. Waxaana dadkaasi layska laayay iyadoon loo aabo yeelin waxaana ay hadda hurdaan iilka qubuuraha xasuuqa ee degmooyinka iyo tuulooyinka Gobolada Waqoyi.
Kheyr badan.

TALO QARAN

Waayahaan waxaa na soo marey qof marka uu noqdo madaxweynaha Jamhuriyada Federal Somalia u maleeya in uu madaxweyne u yahay Qabiilkisa ama Jufadiisa iyo reeka uu ka soo jeedo. Taas waxey kente in heyadihii dastuuriga ahaa uu umoodo ama ka dhigo heyadido jufadiisu leedahay.
Si arintaan soo noqnoqtey u dhicin waxaan Kutalinlahaa in marka madaxweyne cusub la doorto in dhaqan laga dhigo madaxweynahaas la doortey in lagu dhariyo inuu Qabiilkisa ama Jufediisa uu san katirsaneyn inta uu xilka hayo ama la siiyo qabiilka uu ka dhashey diyadiisa oo ah 100 halaad oo geel ah halkaasna ay ku dhamaato in uu ka tirsanyahay qabiil gaar oo uu noqdo nin u dhashey qaranka Somaaliyeed Guud ahaan.

Thursday, January 12, 2017

Turkey at a Crossroads

After a difficult 2016, Turkey now finds itself at an economic and a political crossroads. The New Year is kicking off with political fireworks as Parliament debates constitutional changes that would empower the office of the presidency. These reforms would give President Recep Tayyip Erdogan a freer hand to rule, and extend his term limit as president through to 2029. All the while this fiery debate plays out, Turkey’s economy continues to languish and instability festers in the south and along the Syrian border. To say 2017 will be decisive is an understatement.